Thursday, June 7, 2012
























Allahayoow Cirkoo Dam Ah, Ayaad Dacal Ka Faydaaye
Markaasaa Shamsadu Daalacdaa, Dunidu Nuurtaaye.
Allahoow Dalkoo Oomman, Baad dixo Biyaysaaye
Markaasaa Dugaag Iyo Dadiyo Duunyo Ka Cabbaane.
Allahayoow Cirkoo Diiran Baad, Caad Ku Dadabtaaye
Markaasuu Daruur Culus Helaa, Di'idna Yeeshaaye
Oo Ay Dareemada Dhulkiyo, Dixidu Baacdaaye.
Allahayoow Mid Duunyo Yar, Baad Darajo Siisaaye
Markaasaa La Daba Shaanbiyaa Doobab Iyo Beele.
Alahayoow Mid Daadduumayaad, duni u dhiibtaaye
Markaasuu Ka Diihaal Baxaa Deeqna Hidiyaaye.
Allahayow Mid dawga Dhaafayaad, ku camirtaa diine
Markaasaa Duunuubtuu Iskaga Rogo Uga Danbaysaaye.
Deeqdana Adaa Wada hantee Darajo noo yeele
Allahayoow Kan Loo Dayriyiyo, Hayga Dhigin Daallin
Oo ducada ii qaad sidaan kaa dalbaday CAAWA ........!!!
~~Saalax maxamed


Friday, March 30, 2012

Shantaadu nimay kaa reebin, Sharci kaama reebo!

*Ma ogtahay Dhirbaaxadu
*Ma horseedo dhimashee
*Dhabaday u sheegtaa
*Qofkii dhaban adaygee
*Dhugan waaya taladee

~Abwaan Maxamed Muumin "Ababe"

Wilwile Style....

Hariimaadee Hana Haabaan
Hana haybsaan
Nimaan heelayn ma haboonee...

*Warmaheenaa Laga waashoo
*Hiddo weeyee...

Wilwile waa ciyaar dhaqameed aad looga yaqaan, Degaanada Awdal iyo Soomaali Galbeed.

Nimanka Sawirka ku Jira Wilwile ayay boodayaan.
*Wixii damal dilay
*Oo dameer leeg
*Oo ka daba wayn
*Sooma daayaw
*Ha igu soo dayn!!


~Cigaal Shiidaad/Shiilaad

Allahayaw ......

Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka
Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey
Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey
Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin
Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga
Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo
Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta
Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney
Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta
Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

~Cali jaamac haabiil...

Friday, March 23, 2012

Ubaxyahaw Bidhaamee

Ubaxyahaw Bidhaamee
Oogaada ka nuuraa
Eegmada Jaleecada
Indhahayga naxariis
Adigaa ku beeree..

~Jubba...Shimbirta

Saturday, March 17, 2012

~Qaasim (AUN) wuxu yidhi

-Dacartuba mar bay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe...

~Waxaan ahay macaan iyo Qadhaadh meel ku wada yaale

~Midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode
“Marka loo dhibtoodaa
dharag iyo wanaagiyo
Dhaqashada la gaadhaa
Dhaydiyo gadhoodhkiyo
Dharab lagu caweeyaa
Oo malab la dhuubiyo
Dhuunyaalka buurtiyo
Dhafaruurta geeduhu
Intay soo dhawadaan
Carabkiyo dhanxanagiyo
Dhabanada yimaadaan”
~Abwaan Maxamad Muumin "Ababe"

Soomaalidu ma Dhurwaayaa?

~AUN Timacadde wuxu yidhi

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Illaahe
Danbarkeedu waa Jahannamiyo dogobkii naareede

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore u soo daashaday, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye
Timacadde AUN
Abwaan Soomaaliyeed baa yidhi :-

Arkay gaabnidaadoo
Inaad guuntay waan ogay
Gondahaaga xoodmiyo
Qalaafaha is galay baan
gabdho kaaga doortoo
Waxaad tahay gamuurtii
caashaqa i galisoo
Adaan kuu goll leeyahay

Guraceey adadageey
Dabcigaaga gawda ah
Iyo maanka gaabani
Gabdho kaa dhex saaryoo
Guumays inaad tahay
Garansani is moogeey
Waanan kuu golleeyahay

Inaad gooni tahay oo
ka go'doontay qayrkaa
Ood ciil gadhoodhiyo
Cadho kugu gamuurtiyo
Cuqdad aan la garan karin
Is godayso waan ogay
Jacayl bayse kaa galay
Waan kuu golleehay

Suugaanta Lo'ada


Hees-Haweelada lo'ada Xilliga qodaalka..

Waadigii cararaayayee
Car yay itaaban lahaaye
Dulaha caaradiisiyo
Baguu caynku ku gooyay!

Waadigii salalaayee
Sabadaha miranaayee
Lo'da suulasha gooyayee
Bagood gaajo sureertayoo
Sabirkaagu yaraaday!

Bari-samaadkii iyo soomalidii hore


Sawirkan waxaan ku xasuustay heestii ahayd "Waa gabadh togdheeroo" oo uu ku codaynayay Muuse Ismaaciil Qalinle "AUN" midhaheegana lahaa Abwaan hadraawi :

Taan dumar ku leeyahay , waa gabadh togdheeroo
Toban iyo lix jirahoo Hiddihii tilmaamee

Maxmuudi toox-weyn , sadex qayd ka tolatoo
oo daraya muuskuna , taakiyo badh muuqdee
dhacluhuna tarraxa oo, tusbax luqunta galisoo
sidii boqorad taash xidhan, hadalkeeda tirisoo
kolba erey ku tuurtee

Geeraar waa nin ....hee

Geeraar waa nin wanaajiyo

Ninuu waraar kaga oodmiyo

Nin sidayda warkiisiyo

Wacdigiisa yagaanee